Madaxweynihii hore ee dowladda KMG ahayd Sheekh Shariif oo   iska xaadiriyay kulanka xildhibaanada loogana hadlayo  wax ka beedalka dastuurka.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhawayd Madaxweynihii hore ee dowladda KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu gaaray  kulanka wadajirka ah ee xildhibaanada labada Gole Baarlamaanka Soomaaliya.

Shariif oo ah mudane ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sidoo kale kamid ah siyaasiyiinta sida wayn uga soo horjeedo arrimaha socda ee wax ka beddelidda dastuurka dalka.

Kulanka uu ka qeyb galayo  madaxweynihii hore ee dalka ayaa looga hadlayaa wax ka bedelka Dastuurka, waxa uuna ka mid yahay siyaasiyiinta sida aadka ah uga soo hor jeedo wax ka badalka  Dastuurka oo xilligan ay si weyn isugu hayaan Villa Soomaaliya iyo Mucaaradka.

Sidoo kale Madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa marka uu tegay xarunta Baarlamaanka ka bilaabay dhaq-dhaqaaq xoogan isaga oo gooni gooni ula shiray xildhibaanada Baarlamaanka.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply