March 23, 2025

 

 

Madaxda Hay’adaha Gargaarka ayaa saaka ka codsanaya dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee ku sugan magaalada Geneva inay ku dadaalaan sidii looga hortagi lahaa howlgal dhulka ah oo ka dhacay magaalada Rafah.

Guddoomiyaha Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas, Mirjana Spoljaric, ayaa sheegtay in “aysan jirin eray ay ku sifeyn karto dhibaatada bini’aadamtinimo ee halkaa ka jirto” waxayna ka digtay in haddii Rafah la weeraro “xaaladda waxay gaari doontaa meel aan la qiyaasi karin.”

Sidoo kale Ciidamada Yuhuuda ayaa wacad ku maray in ay bur burin doonaan maalmaha soo socda xarumaha Qaxootiga ee magaalada Rafah oo ay ku jiraan kumanaan Falastiin qaxooti ah

Office Nairobi Kenya

 

Leave a Reply