Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu dhigo gogol dib u heshiisiin ah si loo wada hadlo.

Deni  waxa uu sheegay  in loo baahan yahay in la soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee muddada dheer soo jiitamayay kaas oo ragaadeeyay geedi socodka dowladnimada Soomaaliya .

Waxa uu xusay Madaxwayne Saciid Deni in xiligan aan wax faa’ida ah lahayn inuu sii socdo khilaafka siyaasadeed ee jira maadama la galyo waqti adag oo u baahan isku duubnaan iyo wadajir.

Sidfoo kale  hadalka Deni ayaa u eg mid ka jilicsan kuwii hore,  waxa uuna  ka sheegay Saciid Deni , munaasabada lagu caleema saarayay oo ay ka qayb galeen masuuliyiin kala duwan oo ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

 

Office Nairobi Kenya

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply