Warar dheerad ah ayaa ka soo baxaya  Hawlgal qorsheysan oo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ay ka fuliyeen Gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Galhareeri shalay.

Howlgan kan ayaa lagu Weeraray Maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana la weeraray  xarunta ugu weyn ee Khawaarijtu ku leedahay Gobollada Dhexe, waxaana lagu dilay  30 ka mid ah Khawaarijta oo isugu jiray Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal ay ka mid ahaayeen xubno Ajaanib ah halka dhaawacu uu yahay ilaa 20 kale.

 

Sidoo kale Goobaha lagu bartilmaameedsaday hawlgalkan waxaa ka mid ahaa xarunta Idaacadda Andulus, xarun lagu farsameyo Qaraxyada, xarunta maaliyadda ee degmada Galhareeri.

Weerarkaan ayaa ahaa weerar qasaare ka soo gaartay  Maleeshiyaadka Alshabaab, waxaana ka mid ah Xarunta la Weeraray , guri ay daganaayeen horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta gaar ahaan kuwa sameeya Filimada ee lagu magacaabo Al-Kataa’ib, guri uu deganaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka gobolka Sh. Dhexe iyo guryo ay ku shiri jireen Jabhadaha Khawaarijta.

Office Nairobi Kenya

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply