Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa goor dhawayd  dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Goliyaasha Dowladda iyo Qeybaha kala duwan Bulshada Magaalada Baydhabo ayaa Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud Airport ee Magaalada Baydhabo kuso dhoweyey Wafdiga Madaxweynaha uu Hogaaminayey.

Sidoo kale Laftagareen ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas uu kula kulmay Safiirka Dowlada Sweden ee Soomaaliya Joachim Waern, isaga oo kala hadlay mashaariicda dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska ee Dowlada Sweden ay ka tageerto Dowladda Koonfur Galbeed sidii loo Xoojin lahaa gaar ahaan adeegyada bulshada iyo kaabayasha dhaqaalaha.

Office Nairobi Kenya

 

Leave a Reply