Wararka ka imaanaya wasaarada arimaha gudaha ayaa sheegaya in Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta  Axmed Macallim Fiqi oo uu wehliyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xildhibaan Saadaad Caliyow ay kulamo kula yeesheen Wasaaradaas  wax garad ka socda Somaliland.

 

Kulankaan ayaa waxay uga wada hadleen Salaaddiinta, Cuqaasha iyo odeyaasha dhaqanka kasoo jeeda Waqooyiga Soomaaliya, Damaca guracan ee Itobiya iyo Muuse Biixi.

 

Sidoo kale Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Sadad Caliyow oo madasha ka hadlay ayaa faahfaahiyay kaalinta odeyaasha dhaqanka ee xiisadda isaga oo intaa raaciyay in kulankan uu yahay in la iska wareysto dhulka uu Muuse Biixi doonayo inuu xaqdarro kusiiyo Itoobiya.

Salaadiinta iyo Cuqaasha Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa dhankooda muujiyay dareenkoodu ku aaddan sida ay uga soo horjeedaan damaca gurracan ee Itoobiya ay ku dooneyso dhulka iyo badda Soomaaliyeed, ayna ka go’antahay difaaca dalka.

Office Nairobi Kenya

 

Leave a Reply