Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Koonfur Galbeed Captain Alex iyo Saraakiil Ciidan oo ay Wehlinayeen
Qaabilaada Madaxweyne Laftagareen oo ay ka qeybgaleen Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga Dalka Sareeye guuto Madeey Nuurkey Shekh iyo Taliyaha Qeybta 60-aad Ciidanka Xooga Dalka Generaal Xasan Isaaq Cumar
Sidoo kale Madaxweynaha iyo Saraakiisha ayaa kulankooda kaga wada hadleen Xoojinta Amniga Deeganada Koonfur Galbeed, Kordhinta Taageerida Dowladda UK ee Tababarida. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.
Xafiiska Wararka Muqdisho