Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Shirka oo looga hadlay arrimo xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale lagu ansixiyay saddex heshiis oo ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Tansaaniya.

Heshiiska koowaad ee ay golaha meel-mariyeen ayaa ah heshiis iskaashi oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Tansaaniya, kaas oo kor loogu qaadayo xiriirka labada waddan oo ka wada tirsan ururka ganacsiga ee bariga Afrika.

Sidoo kale heshiiska labaad ayaa dhigaya wareejinta Maxaabiista Xukuman ee ku xiran xabsiyada dalka Tansaaniya, kaas oo fursad siinayo muwaadiniinta ku xiran dalkaas oo dib loogu soo celinayo gudaha Soomaaliya.

Heshiiska saddaxaad Iskaashiga Dalxiiska, si ay labada dal isku dhaafsadaan booqashooyin iyo safarro dalxiis oo muhiim ah.

Intaasi kqei Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga dhageysatay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, xasillinta iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

Sidoo kalr Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeysay sameyneysay horumar dhanka islaashiga dibadda ah, waxayna dalal waa wayn lasoo gashay heshiis muhiim ah iyo kuwa kale oo quseeya difaaca guud ee dalka

Dhamaad

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply