January 25, 2025

.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Tacsi u diray Imaaraatka Carabta, kadib falkii caawa ka dhacay Xerada Janaraal Gorod ee magaalada Muqdisho waxa uuna u Tacsiyeeyay  dowladda iyo shacabka Isutaga Imaaraatka Carabta.

“Innaa lilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun.
Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho, Saraakiishaas oo u yimid dalkeenna in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.”

“Dawladda iyo Shacabka walalaha ah ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxaan uga mahadcelinaynaa garab istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, annagoo xasuusnaa doonnaa doorka ay ku garab taagnaayeen dalkeena xiligan adag.” Ayuu yiri Madaxweynaha,

Sidoo kale Xasan sheikh ayaa Imaaraadka Carabta uga hambalyeeyay garab is taaga Ciidan oo ay Dowlada Somaliya ku garab taagan yihiin.

 

Office Nairobi Kenya

 

 

 

Leave a Reply