3 Saac kadib Markii la weeraray xerada Jeneraal Goordan ee Muqdisho, ayaa waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliyayaasha Cidamada ayaa si deg deg u gaaray isbitaalka Digfeer, si ay u booqdaan dhaawacyada saraakiil iyo askar Soomaali, Imaaraad iyo kuwo ka socda dalal kale isugu jira, kuwaas oo askari Soomaali ah uu caawa toogasho wadareed ugu geystay xerada Jeneraal Goordan ee Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa booqasho ku tagay ispitaalkaas, waxa uuna gaaray goobaha ay yaalaan dhaawacyada la geeyay halkaas.
Dhamaan dhaawacyada iyo meydadka saraakiishii iyo askartii ku le’atay weerarkaas ayaa la geeyey isbitaalka Digfeer, ilaa 20 qof ayay gaarayaan dhaawacyada la geeyey Digfeer, inkastoo aan weli la shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas.
Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in askarigii falkaas geystay goor dambe lagu dilay israsaaseyn dhex martay isaga iyo ciidankii uu la tababartay ee masuulka ka ahaa amniga xerada.
Office Nairobi Kenya