September 9, 2024

Madaxweynaha Eritrea Isaiah Afewerki ayaa maant asafar horay loo sii shaaciyay ku tagay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Booqashadaan ka horay muddo bil ah ayaa safar uu wasiirka arimaha dibadda ee Masar ku tagay Eritrea waxaa uu u sheegay in madaxtooyada Masar ay casuumaad rasmi ah u fidisay Afewerki.

Waxaa la filayaa in uu halkaas ku qaato saddex maalmood oo booqasho rasmiya ah.

Tan iyo markii Itoobiya la saxiixatay heshiis Somaliland ayaa waxaa xiisadi ka dhaltay gobolka. Masar ayaa horay u sheegtay in milatari ahaan ay dhinac istaagi doonto Soomaaliya oo ka carootay heshiiskaas. Sidoo Eritrea ayaa ka hor timid heshiiska.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply