War iyo muuqaal ay boggeeda Facebook ku daabacday Hay’adda Duulista iyo Madaraada ee Somaliland ayay ku sheegtay “in Soomaaiya ay xog khaldan siisay diyaarado isticmaalayay hawada Soomaaliya”, kuwaas oo kala ah duulimaadyo ay sameynayeen shirkadaha Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines.
Warka ay soo saartay Somaliland ayaa lagu sheegay “in labada diyaaradood la saaray laba khad oo isku dhaw oo kala ah, 40,000 ft iyo 39,000 ft, taas oo qatar galisay duulimaadyada, balse fariin digniin ah oo uu bixiyay qalabka ka diga isku dhaca keena shilalka ee saaran diyaaraduhu uu badbaadiyay,”
Qoraalka lagu daabacay bogga hay’adda ayaa waxaa wehliyay muuqaal laga duubay shaashad, kaas oo cod laga dhex maqlayo ay hay’addu sheegtay in ihiin duuliyayaasha oo wada hadlaya. Balse BBC du si madax banana uma xaqiijin karto dhamaan sheegashooyinkaas.
Dhanka Soomaaliy oo BBC du la xariirtay waxay sheegeen “in aysan jirin wax khatar ah oo ay sababtay masaafada ay isku jireen laba diyaaradood, wax caadi ahna ay ka tahay caalamka”.
Waxa kale oo ay intaas ku dareen Hay’adda Dullista ee Soomaaliya, in farriinta TCAS ee ay wadaageen diyaaraduhu aysan ahayn mid tilmaameysa khatar(resolution), balse ay ahayd mid wargalin uun ah (Advisory).
BBC da ayuu u xaqiijiyay in ay xiriir la sameeyeen diyaaradda Qatar Airways oo ay saareen khadka 40,000, halka tan Itoobiya aysan iska badan qorshaheedii hore ee ay ku socotay.
Waxa uu sheegay in diyaaradda Itoobiya ay rakaab ka maraysay dalka Jabuuti, halkaasna ka dagtay.
BBC da ayaan si madaxbanaan u xaqiijin karin dhamaan xogaha ay kala sheegeen labada dhinac.
Xafiiska Wararka Muqdisho