Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey dalka Tanzania; halkaas oo xarun u ah Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo dhawaan ay ku biirtay Soomaaliya.

Madaxweynaha oo martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Tansaaniya Marwo Samia Suluhu Hassan ayaa la yeelan doona shir ku saabsan xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Labada dal, taas oo ay ka mid tahay Dallada ay ku mideysan yihiin ee Bulshada Bariga Afrika oo dalka Tansaaniya ay ka mid ahaayeen dalalka doorka wanaagsan ka qaatay aqbalaadda codsiga Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo Qaranimada dalka Tanzania.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa inta ay ku sugan yihiin Daaru-salaam waxa ay kulammo la qaadan doonaan Madaxda dalkaas, iyagoo kala hadli doona xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, dardar-gelinta xubinnimada Soomaaliya ee Dallada Geeska Afrika, iskaashiga arrimaha dhaqaalaha iyo maalgashiga.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply