Wararka ka imaanaya  Degmada Hodon ee Gobolka banaadir  ayaa sheegaya in Xildhibaanno ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka JFS iyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ay ka qeybgalay kulan Duco iyo Qur’aan Akhris.

Qur’aan Akhriska ayaa  loo sameeyay Allaha u naxriisto Shahiid Nabadoon Idriis Maxamed Shiikhow Dhuxulow oo geeriyooday 02/04/2024, asigoo la dagaalamaya kooxda Cadowga ah ee Khawaarjta.

Sidoo kale Kulanka oo lagu qabtay Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa kaloo ka qeybgalay qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Saraakiil, Odayaal dhaqan, Culumo iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply