.
Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumer Geelle oo war kasoo saaray weerarkii toogashada ahaa ee xalay kadhacay xerada Jeneeral Golden ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, Ismaaciil Cumer Gelle ayaa cambaareeyay weerarkii wuxuush nimada ahaa ee lagu dilay saraakiil Imaaraad ah iyo mid Soomaali ah.
Dhanka kale, Gelle ayaa waxaa uu intaasi kudaray in dowladda Soomaaliya ey lagarab taagan yihiin sidii dalka iyo guud ahaanba gobolka looga soo afjari lahaa argagixisada.
Saraakiisha Imaaraadka lagu laayay weerarkii xalay waxaa kujiray, Maxamed Mubaarak oo ahaa madax ugu sareeyay ee heystay ammniga iyo tababarada ciidanka Soomaaliyeed.
Dowladda federaalka ilaa hada wax faahfaahin ah kama aysan bixin weerarkaasi, Xasan Sheekh ayaa Isbitaal Digfeer kubooqday saraakiisha lagu lagu dhaawac weerarkii xalay, isagoona tacsi udiray dowladda Imaaraadka Carabta.
Ugudambeyn, Kudhawaad 10-kun oo askari waxaa tageero buuxda siiya dowladda Imaaraadka Carabta kuwaas oo kamid ah ciidamadii dhowaan looqoray dowaladda Soomaaliya.
Office Nairobi Kenya