Madaxweyne Joe Biden ayaa wajahaya hubanti la’aan ku saabsan gobolka is-bedbedela ee hadba xisbi raaca ee muhiimka ah ee Michigan.
Gobolka ayaa in ka badan 100,000 codbixiyeyaal dimoqraadi ah ay tartankii is-reebreebka doorteen inaanay cidna u codaynin halkii ay ka taageeri lahaayeen musharaxa dimoqraadga ahna madaxweynaha dalka.
sidoo kale Madaxweyne Biden ayaa Khamiistii booqday magaalada yar ee Saginaw – oo ah magaalada uu ku dhashay heesaaga caanka ah ee Stevie Wonder – ujeedada safarkiisa ayaa ah si uu isugu dayo inuu helo taageero.
Xafiiska Wararka Muqdisho