Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo ay hoggaaminayso Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing.

Kadddib go’aankii xalay kasoo baxay Golaha Wasiirada, Dowladda Puntland ayaa gaarkeeda ula macaamilaysa Beesha Caalamka, iyadoo Madaxweyne Deni uu la wadaagay Qaramada Midoobey Qoraalka rasmiga ah ee go’aanka Puntland.

Waxaa laga wada hadlay mashaariicda horumarin iyo kuwa bani’aadantinimo ee ay iska kaashaadaan Qaramada Midoobey iyo Hay’adaha maamulka Puntland, iyadoo la dardargelinayo wada shaqeyn toos ah.

Sidoo kale Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland  Ilyaas Cismaan Lugatoor, Qaar ka mid ah xubaha Golaha Wasiirada , Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

 

Xafiiska Wararka Muqdishi

 

Leave a Reply