
Ka dib markii uu ku dhawaaqay Madaxweyne William Ruto in Kenya ay joojin doonto shuruudihii dal kugalka ee dadka booqanaya Kenya, dhammaan dadka soo gelaya ayaa hadda u baahan doona in ay dalbadaan oggolaanshaha safarka Elektaroonigga ah ee loo soo gaabiyo (ETA) si loo aqoonsado marka ay soo galayaan.
ETA-da Kenya waa nidaam otomaatik ah kaas oo go’aaminaya in qofku uu soo geli karo ama soo booqan karo Kenya.
Tilmaamo dhowr ah oo ku xusan gudaha bogga ETA, ayaa dhammaan booqdayaasha, oo ay ku jiraan carruurta waxa ay u baahan doonaan arrimahan sida ay sheegtay dawladda Kenya, kuwaasoo inta badan ay kala mid tahay dalalka dunida:
Baasaboor shaqaynaya ugu yaraan lix 6 bilood kadib taariikhda la qorsheeyay in ay Kenya ku yimaadaan oo leh ugu yaraan hal bog oo bannaan.
Sawirka nooca baasaboorka. Macluumaadka xiriirka sida (cinwaanka emailka ama lambarka taleefanka), faahfaahinta la xiriirta waxa uu daaran yahay safarka, iyo xaqiijinta halka aad ku degi lahayd iyo waxyaabo kale.
Waxaa intaa dheer in booqdayaasha qaarkood sidoo kale looga baahan doono in ay caddeeyaan dhaqaale gacan ku qabsi ah oo ay haystaan iyo sidoo kale tikidka laabashada
Xigasho BBC
Office Nairobi Kenya