Wararka ka imaanaya Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu Saxiixay Qalinkana ku duugay sharciga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee burinta is-afgaradka dowladda Itoobiya iyo Maamulka Soomaaliland.

Sharcigaan waxaa ansixiyey Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii maalmo ka hor uu khudbad xasaasi ah ka hor jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa ku ammaanay wakiilada shacabka Soomaaliyeed ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed iyo madaxbannaanida dalka.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in sharcigan uu yahay mowqifka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sharcigaan uu farriin adag u yahay cid kasta oo naawilaysa in ay boobto dhulka, badda iyo hawada shacabka Soomaaliyeed.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply