October 5, 2024

Madaxweynaha Kenya William Ruto oo maalmo ka hor marti-geliyay shirka Golaha Deegaanka ee Qaramada Midoobay oo ay iskugu yimaadeen Madaxda afrika ayaa la sheegay in uu ku guul dareestay in uu wada hadal siiyo  Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxdii ka qeyb gashay shirka ka dhacay Nairobi ayaa waxa ka mid ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo xiisad colaadeed ka dhaxeyso, taasi oo ka dhalatay heshiis beenaadka Somaliland ugu saxiixday Abiy marin badeed iyo saldhig ciidan.

Qoraal laga soo saaray maalmo ka hor madaxtooyada Kenya ayaa lagu sheegay in William Ruto iyo Abiy Ahmed  ay ixtiraamayaan Madaxbanaanida Xuduuda iyo bada Somaliya.

 

Ruto ayaa la sheegay in uu isku dayay in uu dhex dhexaadiyo Madaxda labada Dal balse waxaa arintaas ka biyo diiday Madaxweynaha Somaliya ooo sheay in uu hor fariinasayo Abiy Ahmed  marka uu saxaafada u sheego in Somaliya ay tahay Dhul xor ah, gobolada Waqooyina ay maamushoi Somaliya.

Sidoo kale Ilo diblumaasiyadeed ayaa u sheegay wargeyska East Africa in qorshaha Kenya uu ahaa inay si taxadir leh u hubiso xaqiiqda muranka ka dhashay, wuxuuna madaxweyne Ruto labada mas’uul uu ka dalbaday inay xaddidaan hadalladooda ficillada dhalin kara inta xal iyo isu soo dhowaansha ay ka imanayso.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply