December 4, 2024

Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa beeniyey warar lagu faafiyey baraha bulshada oo tibaaxayey in la daahfuray lacag cusub oo ay yeelanayaan dalalka ku bahahoobay dalladan oo ay ka mideysan yihiin 8 dal oo dhaca bariga iyo bartamha Afrika.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Xoghaynta EAC ayaa dadweynaha looga shaafiyey warka la xiriira lacag cusub sawirka nuqul ka mid ah lagu baahiyey bog been-abuur oo loo ekeyseysiiyey kan Bulshada Bariga Afrika uu ku leeyahay X, taas oo hadal hayn badan ka dheliyey bulshaa dhexdeeda.

Arrinta dareenka bulshada soo jiitey ayaa ahayd in lacagtan oo loo bixiyey SHEAFRA uu ku suntan yahay wax loogu yeeray Bankiga Bariga Afrika oo ah mid aan weli la unkun, balse EAC ay sheegtay in uu qorshaha ugu jiro.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply