Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray caasimadda Kenya ee Nairobi.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha JKIA EE Nairobi kusoo dhaweeyay madaxweyne kuxigeenka Kenya Rigathi Gachagua wasiirka gaashaandhigga kenya Adan Barre Ducaale iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne kuxigeenka Kenya oo qoraal kooban kusoo qoray bartiisa Facebook ayaa yiri, “Kenya iyo Soomaaliya waxay leeyihiin xiriir qoto dheer oo faa’iido u leh labada dal. Anigoo ku hadlaya magaca Madaxweyne William Ruto, waxaa farxad inoo ah soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan magaalada Nairobi”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka u jooga ka qayb galka shirka Qaramada Midoobay ee deegaanka (UNEA-6).

Shalay ayaa waxaa soo gaaray Nairobi ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya oo u yimid in uu ka qayb galo shirkaan, waxaana soo dhawayn u sameeyay madaxtooyada Kenya.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply