Alexei Navalny ayaa lagu aasi doonaa qabuuraha Moscow Jimcaha, afhayeen u hadlay ayaa xaqiijiyay.

Isusoo baxa ayaa lagu qaban doonaa qabuuraha Borisovskoye, kadib isu imaatin sagootin ah oo ka dhacaysa degmada Maryino.

Talaadadii afhayeenka hoggaamiyaha mucaaradka ayaa sheegtay in kooxdiisu ay ku dhibtoonayeen sidii ay u heli lahaayeen meel ay ku aasaan iyadoo meelaha qaarkood ay diideen markii ay ogaadeen cidda loogu talagalay.

Kooxda Navalny waxay markii hore doonayeen inay qabtaan aaska 29-ka Febraayo, laakiin waxa goor dambe caddaatay in aysan suura geli Karin.

Zhdanov waxa uu si maldahan u sheegay in sababta tani ay tahay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu isla maalintaas khudbadiisa sannadlaha ah ka jeedin doono golaha federaalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply