Wararka ka imaanaya Dalka Qadar oo uu Safar ku joogo Madaxweyne Xasan ayaa sheegaya in isaga iyo Amiirka dalkaasi Amiir Tamiim Binu Xamad ay si wadajir ah tababar ugu soo xireen saraakiil ka tirsan ciidanada cirka ee Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa iskala qayb-galay munaasabad ay ku qalanjabinayeen saraakiil ka tirsan ciidamada cirka ee dalalka Soomaaliya, Qatar iyo Urdun, taas oo ka dhacday magaalada Dooxa, waxaana goobjooga wasiiro ka tirsan labada dowladood.
Waxaa xusid mudan in ciidanka saddexda dal oo qaatay tababar dhanka Taakuleynta Ciidanka Cirka ah uu kaalinta koowaad u galay Cabdullaahi Xuseen Xasan oo ka mid ah Halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Amiirka sida ay u garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo xilligan la daala dhacaya dhibaatooyin kala duwan.
Office Nairobi Kenya