September 12, 2024

Redwan Hussien, Lataliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo  dhaleeceeyay  falcelinta beesha caalamka ee ku aaddan heshiiskii is-afgaradka Itobiya iyo Maamulka Gobolada Waqooyi ee  Somaliland.

Redwan Hussien, Lataliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, ayaa ku eedeeyay Beesha caalamka inay cadow ku yihiin Itoobiya iyagoo ku gabanaya inay taageerayaan Soomaaliya.

Sidoo kale Hadalkan  carada ka muuqato ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay isa soo tarayaan dhaleecaynta caalamiga ah ee loo jeedinayo heshiiska is-afgaradka ah, kaas oo Itoobiya u oggolaaday inay 20 KM oo kamid ah xeebaha Somaliland ay hesho.

Sidoo kale Todobaadkii hore raysal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Demeke Mekonnen ayaa xaqiijiyey in maamulkiisu uu wajahayo cadaadis caalami ah oo lagu doonayo in la joojiyo  heshiiskii ay la galeen Somaliland.

.

 

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply