Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada ku qaabilay Wasiiru dowlaha Gaashaandhiga ee dowladda Ingiriiska James Stephen Heappey oo booqasho ku yimid Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay Wasiirka guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray xaqiijinta amniga, tayeynta Ciidamada iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada.
Sidoo kale Wasiiru dowlaha gaashaandhiga Boqortooyada Ingiriiska James Stephen ayaa xusay sida ay uga go’an tahay dowladdiisa xoojinta iskaashiga difaaca iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo UK.
Xafiiska Wararka Muqdisho