Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada ee Puntland ayaa sheegtay in ay ka xuntahay Haramcad ka dhintay.
Wasaaradda oo war saxaafadeed soo dhigtay barta ay ku leedahay FACEBOOK ayaa tilmaamaantay in dhawaan ay sedex Haramcad dhal ah, ka soo badbaadisay magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo dad reer miyi ah ka soo qaateen Haramcadkii dhalay si ay u iibsadaan.
Saraakiisha Wasaaradda ayaa sheegay in muddaba ay baxnaaninayeen Haramcadka, maadaama uu aad u yaraa, isla markaana laga soo qaaday Haramcad kii dhalay, laakiin nasiib darro uu xalay dhintay.
Saraakiisha Wasaaradda ayaa muddaba ku hawlanaa badbaadinta Haramcadka yar laakiin nafaqo darro ba’an oo haysay iyo arimo caafimaad dartood ayuu u dhintay, sida ay shaaciyeen xubnaha Wasaaradda Deegaanka ee Puntland.
Labadii kale ee Haramcadka dhasha ahaa ayay xaaladdoodu wanaagsan tahay sida lagu sheegay war saxaafadeedka.
Sidoo kale Ka ganacsiga duurjoogta ayaa dambi ka ah Soomaaliya, waxaase jira dad si sharci darro ah uga ganacsada.
BBC
Xafiiska Wararka Muqdisho