February 15, 2025

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo maanta khudbad dheer salaadii Jimcaha kaddib ka jeediyay masjidka Madaxtooyada ayaa kaga hadlay arrimo badan oo khuseeya xaalada dalka, waxa uuna si gaar ah diirada ugu saaray wax ka bedelka Dastuurka.

Xasan Sheekh ayaana si adag uga hadlay xiisada ka dhalatay wax ka bedelka Dastuurka oo xilligan diidan yihiin siyaasiyiin saameyn badan leh ay ku jiraan madaxdii isaga ka horreysay ee Farmaajo iyo Sheekh Shariif.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in Dastuurka uu sannado badan qabyo ahaa loona baahan yahay xilligan in horey loo dhaqaajiyo oo la meel mariyo, waxa uuna sheegay in qabyo tirka Dastuurka uu wax badan u tarayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaana sheegay in madaxdii isaga ka horreysay ee Farmaajo iyo Shariif oo xildhibaano ah looga baahan yahay in waajibkooda ka gutaan Dastuurka KMG ee hadda wax ka bedelkiisa Baarlamaanka ka doodayeen.

“Masuuliyiinta maanta hadlaya qaarkood waa xildhibaano waajib waxaa loogu leeyahay Alle hortiis inta ay yimaadan baarlamaanka ay ra’yigooda meesha ka dhiibtan, baarlamaan wuxuu baarlamaan ku yahay nidaamkiisa in uu raaco,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa sheegay in nidaamka cusub ee lagu beddelayo haykalka dowladnimada iyo hanaanka arrimaha ay ku timid diidmo ka dhalatay hanaanka hadda, taasi oo uu sheegay inay ka timid dowlad-goboleedyad.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply