Wararka ka imaanaya Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow uu halkaas gaaray, uuna la kulmay saraakiil katirsan Ciidanka iskaashanaya ee halkaas ka howlgallaya.
Saraakiisha Ciidanka Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug iyo Dadka Deegaanka ee Macawiislayda ayaa ka shiray sidii ay u dardargelin lahaayeen dagaallada ka socda Koofurta Gobolka Mudug & sida loo kordhin karo.
Sidoo kale War kooban oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in Taliye Ibraahim uu sii wadayo kormeerka uu ku tagayo deegaanno iyo degmooyin kala duwan oo ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Ak-shabaab.
Xafiiska Wararka Muqdisho