September 9, 2024

 

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kale  oo Weeerar ku qaadayo Taliye Mahad Salaad u dhigay Qilaafka Hay’adda Nisa iyo shirkada Isgaarsiinta dalka ee Hormuud.

Sidoo kale, Bayaan usoo saaray Farmaajo ayuu kusheegay in xanibaada iyo joojinta shaqada shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo Salaam Bank uu dhawaac weyn kuyahay sumacada dhaqaale ee dalka, iyadoona ey walaac xooggan ku abuureyso ganacsatada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dalka Somalia uu yahay mid hada kasoo kabanaya daruufihii naafeeyay dhaqaaleheena, isagoona intaasi kusii daray iney tahay in ladhiirigaliyo ganacsatda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Bankiga Salaam Somai Bank xarunta ey kuleeyihiin Suuqa Bakaaraha, ayaa waxaa galay raad ku aadan Al-shabaab waxaana maalmihii la soo dhaafay ka socday Xarumahaas baaritaan.

 

 

Office Nairobi kenya

Leave a Reply