Xiisadda xooggan ee ka dhex aloosan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA iyo Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud, ayaa gaartay Baarlamaanka.
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ka hadlay xiisaddan, ayaa shaaciyay in ay mooshin ka gudbin doonaan wasaaradda amniga iyo madaxda NISA.
Xildhibaan Cabdalle Maalik oo kamid ah xubnaha baarlamaanka geynaya mooshinkan, ayaa waxa uu sheegay in sida ugu dhakhsaha badan ay usoo diyaarin doonaan mooshinkaas oo loogu yeerayo saraakiisha sare ee hay’adda.
Sidoo kale shirkada Hurmuud ayaa ku lug yeelatay amaandarada ka taagan Muqdisho iyo Soomaaliya sida ay sheegeen saraakiisha Hay’adda NISA.
Office Nairobi kenya