Madaxweynaha Jamhuiriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kulamo kula qaatay Madaxweynaha dalkaasi mudane Sergio Mattarella iyo Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni oo ay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dalka Talyaaniga uga qeyb galay ay isugu imaadeen madaxda dalalka Afrika iyo Talyaaniga, halkaas khudbad uu ka jeediyey madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisii ku soo bandhigay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya, fursadaha maalgashi iyo khayraadka dihan ee ceegaaga dalkeenna oo wax tar u leh gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga caalamka uu ku tiirsan yahay ixtiraamka sharciyadda iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka.

“Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xadgudbo xuduudaha dal kale, waxaana tusaale u ah isku dayga  fashilmay ee faro-gelinta Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida dalkeenna,” ayuu Xasan Sheekh ka yiri shirkii Talyaaniga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada ay barbar socdaan qorsheyaal lagu adkeynayo dowladnimada, laguna xoojinayo iskaashiga iyo doorka Soomaaliya ee Gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin; ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, qaadista cunaqabateynta hubka iyo dhammeystirka deyn cafinta.

“Soomaaliya waxay ku faani kartaa khayraadka Alle ku mannaystay ee dhinacyada Beeraha, Xoolaha, Kalluumeysiga, Tamarta, iyo booska istaraatiijiga ah,  kuwaas oo ay wehelinyaan in ay yihiin dad fir fircoon, dhallinyaro u badan, kuna tilmaaman hammi iyo hal-abuur. Ku biirista Bulshada Bariga Afrika waxa ay si weyn u dhiirri-gelisay aragtidayada ganacsi” ayuu Xasan Sheekh ku yiri khudbadiisii shirka Talyaaniga.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa weli ku sugan Talyaaniga, wuxuuna caawa shir duceedkaan la yeeshay madaxda ugu sareysa, isagoo kala hadlay arrimaha Soomaaliya.

Xigasho

 

.

Office Nairobi Kenya

 

 

Leave a Reply