Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland ayaa sheegaya in Malleyshiyaad hubaysan inay jid-gooyo ka sameeyeen qaybo ka mid ah magaalada Boosaaso.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka oo wejiga qarsaday ay baarteen gaadiid kala duwan oo laamiga marayay islamarkaana qaarkood kala dageen raashin iyo agab kale, sida ay sheegayaan wararka aynu heleyno.
Dadka shacabka ah ee waddadaasi isticmaala ayay dhibaateeyeen kooxdaasi, waxaana ugu dambeyntii la sheeegay inay ku baxeen Ciidamo ka tirsan laamaha Amniga magaalada Boosaaso.
Sidoo kale Ciidamada ammaanka ee halkaasi gaaray ayaa lagu soo warramayaa inay ku guulaysteen kala cayrinta kooxdaasi jid-galka ku sameynayay dadka shacabka ah.
Xafiiska Wararka Muqdisho