Magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya waxaa ka socda munaasabad loogu dabaal dagayo xuska aas-aaskii dowlad deegaanka oo laga joogo 31 sano.

23-ka bishii Jannaayo sanadkii 1993-dii ayay ahayd markii si rasmi ah loo aas-aasay dowlad deegaanka oo xilligaas yeeshay madaxweynihii ugu horreyay oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cabdullaahi Maxamed Sacdi.

Madaxweynaha iminka ee dowlad deegaanka Mustafa Muxumed Cumar oo farriin ku saabsan xuskaan soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa sheegay in sameyntii iyo aas-aaskii dowlad deegaanka laga dhaxlay in dadka oo kala baahsanaa ay yeesheen nidaam iyo maamul ay ku ilaashadaan dhaqankooda iyo luuqadooda u gaarka ah.

Wuxuu intaa raaciyay in 31-kaa sanadood ee dowlad deegaanku jiray ay dhaceen sidoo kale dhibaatooyin isugu jira „xasuuq, xaqiraad iyo xadgudubayo loo gaystay dad,”.

Madaxweyne Mustafa ayaa dadka ugu baaqay in ay mar walba ka shaqeyaan horumarka, isagoo ku yiri qoraalkiisa,”Marka aan xusayno Sanad-guuradda sanadkan, aan taageerno wixii horay inoo wadaya, aan ka fogaano wixii dib inoo celinaya,”.

BBC

.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply