Wararka ka imaanaya Magaalada Kampala ee xarunta waddanka Uganda ayaa sheegaya in maanta uu ka furmaya shir-madaxeedka 42-aad oo ah mid aan caadiga ahayn, kaas oo ay iskugu imaanayaan madaxda dalalka IGAD.
Shirkaan ayaa waxaa looga wadahadalayaa colaadda Sudan iyo xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Jabuuti dhowaan.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay Ra’isul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Saalax Jaamac ayaa shalay gaaray magaalada Kampala.
“Madaxda Urur-Goboleedka IGAD ayaa kaga arrinasanayaan faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayuu ku yiri agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdulqaadir Cali Dige bayaan kasoo baxay madaxtooyada.
Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa ka carootay is-afgaradkii ay Itoobiya la gashay Somaliland. Is-afgaradka ayaa dhigayey in Somaliland ay dhul dhan 20km oo bad ah ka kirayso Itoobiya, taa beddelkeedna ay Itoobiya aqoonsato Somaliland.
Office Nairobi Kenya