October 12, 2024

Dowladda Itoobiya ayaa mar kale qaaday tallaabo kale oo ka dhan ah Soomaaliya kadib markii ay kusoo fasaxday biyo fara badan oo wata daadad xoogan, sida uu shaaciyay guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA.

Maxamuud Macallin Cabduulle oo maanta Wariyeyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in tani ay uga sii dareyso cadaawadda ay Itoobiya u qabto Soomaaliya, wuxuuna ku eedeeyay inay kusoo deysay biyo xoogleh, maadaama ay wabiyadu ka yimaadaan dalkeeda.

“Waxaan rabaa Ummadda Soomaaliyeed inaan la wadaago dowladda Itoobiya oo aad aragteen cadowtinimada iyo culeyska ay hadda nagu hayso waxay maalmahan dhoweyd billowday inay soo fasaxdo haaman waa weyn oo ay biyo ugu xirnaayeen” ayuu yiri.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa farriin u culus u diray shacabka deggan hareeraha wabiyada, isaga oo ugu baaqay inay ka digtoonaadaan arrintaasi.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa intaasi kusii daray in arrintan ay kusoo aadeyso, xilli Soomaaliya ay dhawaan ku dhufatay xaaladda Elnino oo si weyn looga dareemay qaybo badan oo kamid ah dalka, kadib markii ay ku dhufteen roobab xoogan oo daadad wata

Office Nairobi Kenya

 

Leave a Reply