Dad badan oo Soomaaliyeed waxaa caado u ah ama ay durba la soo boodayaan faalada ama Qoraalkan inay ku dhaliilaan siyaabo kala Duwan, , balse waxay kuwa kale qabaan mar hore maxaa loo sheegi waayay wax qabadkaan iyo amaantaan Xiligan Dul hoganaysa Ex Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA Mahadkii Muqdisho ay mahdisay Taliye Mahad Maxamed Salaad.
Qof aan shegayaa ma ahan qof Wayn da’ahaan laakiin waxa uu la yimid Maskax Mug leh, waxa uuna sanaddii 1980-kii ku dhashay magaalada Dhusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ee caasimadda Galmug State.
Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa muqdisho ka dhigay 34 Sano kadib amaankeeda 85% halka ay ahayd 25 % waxa uu kor Mariyay marka aad Xisaabta isku gaysato 60 % lixdan Boqolkiiiba.
Kama hadlayo wax barasho maadi iyo diin mana ahan inaa taas wax badan ka sheego ee Mahad salaad maxaa yeelay caqliga wanaagsan oo 2 sano Amniga Muqdisho waxa uu uga badalay Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa meesha ka saaraysa inaa wax ka ogaano waxbarasho maxa yeelay wax barasho la’aan haday jirto xamar Mugdi ayaya sii Noqon lahayn sida 5 tii Sano Xukuumadii ka horaysay tan haatan jirta, ama waxaa badan lahayd Hotel Hebel ayaa lagu jiraa ee maka baxeen, hadaa Haramcad Gor gor Alfa -Group iyo Gashaan soo gaareen saacado kadib Hotel Hebel oo ay ka dhex dagaalamayaan Koox gaaraysa 5-, waxaana saacad kadib dhacaya Qaraxyo Hor leh, waxaa goobta ku jira ama dabaqa iska tuuray Wasiir Hebel, Xildhibaan Hebel Gudoomiye Hebel, isla saacad gudahood waxaa baraha Bulshada ama warbaahinta ay sheegi jireen wasiir Hebel Xildhibaan Hebel Taliye Hebel ama Gudoomiyaha Degmadaas ayaa ku dhintay Weerarka howlgalkana waxa uu socdaa in ka badaan 10 saacadood kooxdiina wali way ka dhex dagaalamayaan Hotelka, intaas oo dhan ka soo bilaaw horaantii 2017-kii ilaa horaantii 2022 waxay ahayd caado ama wax iska caadi ah oo dhagaya aysan dhibin ayay ka ahayd Muqdisho wax la dhibsado kama ahayn, balse qadarta lama celin karo laakiin Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA Mahad Maxamed Salaad waxa uu la yimid is badal muuqda.
Soomaalida caado ayay leeyihiin taasi oo ah qofka marka uu dhasho ama Xilka qabto ayay amaan kala dul dhacaan balse xaalku maanta sidaas waa ka duwan yahay, qofka amaantiisa ha ahaato waxa qabadkiisa Talada iyo tayada uu ku soo kordhiyo Bulshada uu ka dhashay iyo waajibaadka saaran sida uu u gutay Mahad Maxamed salaad oo kale.
Qofka aan ka hadlayo ma ahan Taliyihii Hore ee Hay’addaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee USA, Canada, franca, Uk iyo kuwa la mid ah waa 44 jir ka soo jeeda Magaalada Guriceel kuna dhashay magaalada caasimadda ah ee Dhuusamareeb, hala soo boodin Muwaadin qoraalkan waxbaa ku duugan ee wax qabo si laguu amaano ama la imow hab aad amaan uga dhigayso xaafad, Gurigagaaga, magaalo ama deegaan la mid ah Magaalooyinka ugu Quruxda badan afrika ee Muqdisho oo kale ah.
Taliye mahad ayaa Qabtay Xilkaas 26-kii May ee 2022 waxa uuna la yimid hab casri ah oo wax badan ka badalaysa dal amaamkisa uu ahaa 25 Boqolkiiba, taasi oo meesha ka saaraysa in Ciidamada NISA laga cabsado ama ay Qal qal ku abuuraan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka Dagan magaalada Muqdisho, NISA oo ka madax banana siyaasad, NISA oo Villa Soomaaliya hoos joogta NISA oo aan dad u Xirin siyaasad iyo waxa uu ka soo hor jeedaa Hogaanka dalka, Alaha u Naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya aadan Cabdule Cismaan aadan cadde ayaa markii uu xilka ku wareejinaayay Madaxweyne C/rashiid Cali sharmaarke, waxa uu Yiri halhees caan Noqday oo afrika Madaxweyne Sameeya aan Jirin marka laga Reebo Aadan Cadde, (Madaxweyyne waxaan kugu wareejinaya Somaliya oo aan lagu lahayn wax deen ah, qofna aysan u xirneen siyaasad) marka Mahad Maxamed salaad ayaa Wareejiyay Xilka NISA oo aan deen lagu lahayn wax siyaasad u xiran ama muwaadin Jirdil loo gaystay aysan jirin, taasina waxaa dhihi karnaa 44 jir bulshada Soomaaliyeed wax badan u qabtay.
Sidoo kale Mahada Salaad ayaa wareejinaya hay’ad ay bulshada qireyso inay wax badan ka qabatay ammaanka caasimada. Warbixintana waxaa kusoo koobeyna shan qodob oo Mahad Salaad uu xaqiijiyay Sanbaloolshe uga baahan adkeyn iyo ilaalin.
- NISA oo siyaasad ku jirin oo sharciga qabanaayo
- NISA la nool shacabka
- Kaamirooyinka lagu nastay ee Muqdisho
- NISA iyada laga nabad-galo
- Amniga caasimadda oo dayacnaa 7 sano ka hor.
Mar kaliya ayaan daawaday Filim laga sameeyay Kiiska Taliyihii & Kooxdiisii kawada shaqeyay Dilka Ganacsade Kaabax Xili aan u Dabaal Dagayay Ciida oo ahayd habeen arbaco soo galayso, Balse waxaa yaab iyo amakaag Filanwaa ila Noqday ka bilaaw Isgoyska Sos, Wadada Warshadaha, Shirkole, Exkontarol afgooye, Yaaqshiid, Daarasalaam, Oodwayne, Caymiska, Warshada caanaha, kuliyada, isgoyska H/wadaag oo markii ay soo laabteen lagu arkay gaariga in intaas oo dhan Hay’adda NISA ay soo bandhigtay taasi oo ah Guul la taaban karo uuna hormuud u ahaa Taliyihii hore ee Hay’addaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahadkii ay Muqdisho mahdisay.
waxaas oo dhan waxay Muhiimadu tahay in Cameroooyinka iyo CCTV, marka Muqdisho lagu xiraayay Bilooyin ka hor lala yaabsanaa oo xataa eedcayn loo jeedinayay Taliyihii hore ee Hay’addaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo dadka Somaaliyeed ay lahaayeen Xiligaan lama joogo in arintaas ay hir gasho iyo wax la mid ah oo ay ku jiraan meel ka dhacyo loo Gaysanayay Mahadkii Muqdisho ay mahdisay.
Muqaalkaas aan daawaday waxa uu ahaa Muqaal alle ka sokow Taladaas iyo Tayaynta Hay’addaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka uu wax badan ku lahaa Mahad Maxamed salaad, Muqdisho ma ahayn meel si fudud amaankeeda iyo falaalka ka dhaco looga koontarooli karay Camerooyin lagu xiro Hay’addaha Nabad-sugidda Qaranka, balse wax kasta filo oo ha beensan maxaa yeelay, intaas oo dhan waxaa lagu soo bandhigay Muqaalada ay Duubeen Camerooyinka amaanka waxaa goobta ka baxdaay koox aan hayntooda la garanaynin, koox ku labisan dareeska Ciidamada kuwa loo malaynayo inay dhinacaas ka tirsan yihiin waxaa la oran karaa waa isku dhamaatay in Danbiile kale uu hoos taga Reer Qoys iyo Qabuyaalad.
Dhinaca kale Mahadkii Muqdisho ay mahdisay ayaa waxa uu sheegayaa Muhiimada Qodobada uu amaanka Muqdisho wax uga badalay, Qodobkaad wuxuu ku sheegay 1-Inuu ku guuleystay inay shacri yeelato hay’adda NISA, 2-Inuu dib u habeyn ku sameeyay dhismaha hay’adda 3-xoojinta amniga iyo xogaha sirdoon ee dalka 4-Ballaarinta ciidamada NISA kuwa muuqda iyo kuwa qarsoon 5-Kordhinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab 6-Sameynta xafiiska Garmaqalka dadweynaha 7- Joojinta lacagaha badda ee Al-Shabaab 8-Horumarinta Tiknolojiyadda 8-Dhismayaasha xarumaha hay’adda 9-Wada shaqeynta hay’adda iyo hay’ada kale ee dowladda 10- La macaamilka hay’adaha sirdoonada ee dariska iyo kuwa caalamka.
Ugu danbayn qoraalkan waxaan ku soo koobayaa dhamaan Saraakiishii la shaqaysay Taliyaha amaan ayay mudan yihiin oo Soomaalida waxay ku maah maahdaa far kaliya fool ma dhaqdo.
Waxaa Qoray Wariye Cabdixakiim Cilmi Xasan
Email- Cabdixakiin441@hotmail.com
Tel-254-711830393
Nairobi Kenya