January 24, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay waheliyaan wasiirka gaashandhigga iyo taliyaha ciidanka xooga dalka ayaa kormeeray xerooyin ciidan oo ku yaal magaalada Muqdisho.

Xeryaha ciidamada ee TurkSom, Dhaga-badan iyo Jeneral Daa’uud,oo madaxweynuhu kormeeray ayuu kula hadlay ciidamada isagoo xusay in la joogo waqtigii laga adkaan lahaa Al-shabaab oo dowladda dagaal kula jirta.

Ciidamada uu madaxwyenuhu la hadlay ayey madaxtooyada Soomaaliya ku warantay inay u amba- baxeen furimaha dagaalka dowladdu kula jirto Al-shabaab.

Sidoo kale Madaxwaynaha ayaa si gaara kulamo ula qaatay saraakiisha hogaaminaysa ciidamada uu booqday.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply