Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar jid-gal oo kooxda Al-Shabaab shalay ka geysatay inta u dhaxeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabellada Dhexe.
Dagaalamayaal ka tirsan kooxda ayaa jidka u galay gaari Qaad sidat oo ka soo baxay Jowhar una socday Balcad, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaare culus oo fan iyo maalba leh.
Ugu yaraan toddoba qof ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarkaas dad kale oo tiradooda rasmiga ah aan weli la xaqiijina nolosha ayey ku wadatay kooxda Al-Shabaab.
Dad la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gaariga jirka loo galay oo noociisu uu ahaa Caasi ama Home ay AS ku gubeen wadada dhexdeeda, iyagoo dadkii saaraa ka dhigay mid dhintay, mid dhaawac ah iyo kuwo ay nolosha ku wateen.
Office Nairobi Kenya