Wararka laga helaayo Koonfurta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada Somalia weerareen deegaan Alshabaab heysteen.
Ciidamo ka tirsan Milataiga Somalia oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa la soo sheegayaa inay ka ruqaansadeen Degmada Xarar-dheere kadibna ay weerar ku ekeeyeen deegaan Alshabaab ku sugnaayeen.
Goobta ciidamadu weerareen oo ah deegaan u dhexeeya Xarardheere iyo Baraak ismacil ayaa la soo sheegayaa in halkaasi dagaal ka dhacay kadib laga saaray Alshabaab.
Sidoo kale Saraakiisha dagaalkas Hogaaminaysa ayaa sheegtay kooxdii Alshabaab u carareen dhanka deegaanka Caad.
Office Nairobi Kenya