Ugu yaraan 50 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo ay ku jiraan taliyayaal sare ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay weerar ay Daacish ku qaadeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada maamul goboleedka Puntland, sida uu baahiyay TV-ga Al-Naba.
Sida lagu sheegay warbixinta TV-ga Daacish ayaa sheegtay in ay Al-Shabaab ka qabsadeen hub ciidan iyo fariisimo dhowr ah oo ay ku lahaayeen buuralayda Al Miskaad ee gobolka Bari ee Puntland.
Weeraradan ayaa la sheegay inay dhaceen bishii barakaysnayd ee Ramadaan iyo dhamaadkii bishii February.
Sidoo kale gobolka Bari oo ay isku heystaan dhul iyo kheyraad. Labadan kooxood ayaa caan ku ah in ay lacago baad ah ka qaataan ganacsiyada deegaanka ee ku yaala.
Xafiiska Wararka Muqdisho