Mareykanka ayaa ciidamadiisa kala bixi doona Niger, sida ay tebinayaan wakaaladda wararka ee Reuters iyo wargeyska New York Times.
Kun askari oo Mareykan ah ayaa ku sugnaa Niger oo ay Mareykanku ku lahaayeen laba saldhig oo uu ku jiro saldhigga diyaaradaha drones-ka ee loo yaqaan Air Base 201 ee bartamaha Niger oo ay ku baxday in ka badan $ 100 milyan.
Dalka Niger ayaa ka mid ah dhowr wadan oo galbeedka Afrika ah oo hogaamiyayaasha militarigu ay xiriirka u jareen xulafadooda soo jireenka ah ee reer galbeedka, islamarkaana ay xoojiyaan xiriirka ay la leeyihiin Ruushka.
Sidoo kale Taliyayaasha militariga Niger ayaa xukunka hayay wax ka yar sagaal bilood balse mar hore ayaa ciidamada Faransiiska lagu qasbay inay baxaan, ciidamada Mareykanka ayaa dhawaan ku dayan doona.
Xafiiska Wararka Muqdisho