Mareykanka ayaa joojinaya dhaqaalihii uu siin jiray hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan falastiiniyiinta ee UNRWA, iyadoo lagu eedeeyay in qaar ka mid ah shaqaalaheedu ay ku lug lahaayeen weerarradii Xamaas ee 7-dii Oktoobar.

UNRWA ayaa sheegtay in ay shaqada ka cayrisay dhowr qof ayna amartay in baaritaan lagu sameeyo xogta ay bixisay Israa’iil.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay “in uu aad uga naxay warkan” wuxuuna ku baaqay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo.

Xamaas ayaa ku dishay 1,300 oo qof oo u badnaa dad rayid ah weerarkan oo aan hore loo fileyn.

250 qof oo kale ayaa la qafaashay. Dhacdooyinkan ayaa kiciyay weeraro aargoosi ah oo Israa’iil ay ku qaaday Qasa, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 26,000 oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

Iyada oo ku dhawaaqday go’aankeeda ku-meel-gaadhka ah ee ay u joojisay maalgelinta, waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in ay “aad u dhibayso” eedeymaha ku saabsan in shaqaalaha Qaramada Midoobay ay ku lug lahaayeen weerarrada.

BBC

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply