Milateriga Mareykanka ayaa sheegay in ay burburiyeen gantaal kale oo Xuuthiyiintu leeyihiin oo ah nooca ka hortagga maraakiibta.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in hubkan loo diyaarinayey in lagu rido maraakiibta Shidaal qaada.

Jimcihii, Markab Shidaal qaada ayaa ku gubtay Gacanka Cadmeed ka dib markii uu haleelay Gantaal ay Xuuthiyiintu soo rideen.

Waxay bilaabeen in ay beegsadaan maraakiibta badda cas bishii November, iyaga oo sheegay in ay taageero u muujinayaan falastiiniyiinta Qasa.

BBC

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply