December 4, 2024

 

Taliska milatariga Maraykanka ee Africa ee loo yaqaan AFRICOM ayaa xaqiijiyey inay duqayn ka gaysteen meel u dhow Jilib 15-kii bishan, maalintaas oo ah tan ay Al-Shabaab sheegeen in laba dhakhtar oo u dhashay Cuba oo ay ururku la-hayste ahaan u haysteen lagu dilay duqayn ay gaysteen Maraykanka.

War qoraal ah oo talisku usoo diray VOA ayey ku sheegeen inay xaaqiijinayaan in 15-kii Febraayo ay duqayn ka gaysteen meel u dhow Jilib, duqayntaas oo Maraykanku sheegeen inay ka dhan ahayd al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa qoraal ku sheegtay in duqayn ay Maraykanku gaysteen saacidihii hore ee Khamiistii lagu dilay labada dhakhtar oo lagu kala magacaabo Assel Herrera iyo Landy Rodriguez oo ay maleeshiyaadka al-Shabaab kasoo afduubteen Mandera bishii April 2019-kii.

“Waan ka warqabnaa wararka sheegaya eedda ah in duqayntu dishay laba rayid ah. Ma hayno xog dheeraad ah waqtigan oo ku saabsan wararkaas, hase yeeshee wixii sheegasho ah ee la xiriirta dhib soo gaaray rayid way nagu weyn tahay,” ayey AFRICOM ku sheegtay warkaas qoraalka ah ee ay usoo dirtay VOA Somali.

“Taliska ayaa sii wadaya qiimaynta natiijada hawlgalkan, waxaana bixin doonaa xog dheeraad ah markii la helo,” ayaa qoraalku intaas ku daray.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply