Maxkamada G/Banaadir ayaa goor dhawayd bilaawday dhageysiga maxkamadeynta Danbiile Sayid Cali Macalin Daa’uud oo xaaskiisa Luul Cabdicasiis Maxamed gubay bishii hore taas oo ugu dambeyn geeriyootay.
Luul waxey weli iyadoo meyd ah ku jirtaa Ferinjeer,Qoyskeeda ayaa diiday in la aaso inta laga maxkamadeynayo ninka gubay.
Dhageysiga dacwadn ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalaya ehellada labada dhinac, dadweyne, qareeno iyo xeer ilaalinta guud ee qaranka..
Sidoo kale Eedeysanaha ayaa waxaa horay usoo wareejisay hay’adda NISA oo kasoo qabatay gobollada dhexe, waxaana kadib loo gacan geliyay booliska, si loo maxkamadeeyo.
Xafiiska Wararka Muqdisho