Jimcihii, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa diidday codsigii degdegga ahaa ee Koonfur Afrika , kaas oo ahaa in cadaadis sharci oo dheeraad ah lagu saaro Israa’iil si ay u joojiso hawlgalka millatari ee suurtagalka ah ee magaalada Rafax ee koonfurta Marinka Qasa.

Maxkamaddu waxay xaqiijisay in “Israa’iil ay weli ku qasban tahay in ay u hoggaansanto Axdiga Xasuuqa, oo ay ku jirto xaqiijinta ammaanka Falastiiniyiinta ee Qasa.”

Maxkamadda cadaaladda ayaa xustay in xiisadihii ugu dambeeyay ee Marinka Qasa iyo Rafax ay si weyn u kordhin doonaan waxa horay loogu yeeray “musiibada bani’aadamnimada.”

Waxay intaa ku dartay, “Xaaladdan naxdinta leh waxay u baahan tahay in si degdeg ah oo wax ku ool ah loo fuliyo tallaabooyinka ay maxkamaddu soo saartay 26-kii Janaayo, oo ay ku jiraan dhammaan qaybaha Marinka Qasa, oo ay ku jirto Rafax, si aan loogu baahan in lagu dhawaaqo tallaabooyin dheeraad ah.”

Talaadadii, Koonfur Afrika waxay ku dhawaaqday in ay u gudbisay “codsi degdeg ah” Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda si ay uga fiirsato in hawlgallada milatari ee Israa’iil ay ku beegsanayaan magaalada Rafax ay jebinayaan amarradii ku meel gaadhka ahaa ee ay maxkamaddu soo saartay bishii hore ee eedaha xasuuqa.

Maalintii Khamiista, Israa’iil ayaa ku boorisay maxkamadda in ay diido waxa ay ugu yeertay codsiga Koonfur Afrika ee “aaqiil la’aanta ah”.

Bishii hore, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa ku amartay Israa’iil in ay qaaddo dhammaan tillaabooyinka ay kaga hortagayso in ay ciidamadeeda xasuuq ka geystaan Marinka Qasa, taasoo qayb ka ah dacwadda ay gudbisay Koonfur Afrika.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply