Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqayn saacadihii la soo dhaafay Diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka ka geesteen  duleedka degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka  Alshabaab Duqayntii xalay ka dhacday degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug  Qasaare xoogan ka soo gaaray.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta lagu beegsaday saldhig sida la tilmaamay ay joogeen xubno kamid ah Al-Shabaab, isla markaana waxaa duqeyntaasi ka dhacday duleedka degmada Galcad ka dhashay khasaaro kala duwan.

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkan lagu burburiyay goobaha la duqeeyay, uuna jiri khasaaro, inkastoo aysan faah faahin intaas ka badan oo aan laga bixin weerarka dhanka cirka ah ee xalay dhacay.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply