March 25, 2025

 

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ee fadhigeedu yahay a Boosaaso ay midkiiba 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay afar nin oo lagusoo eedeeyay inay katirsan yihiin Alshabaab.

Xukumanayaasha oo lagu kala magacaabo, Cabdirisaaq Maxamed Shire, Siciid Faarax Cabdiqaadir, Farxaan Weyrax Lixad iyo Cabdiqani Cali Faarax ayaa lagu eedeeyay inay qaraxyo u kala gudbinayeen kooxda Alshabaab.

Maxkamadda ciidamada ayaa sidoo kale Raxmo Weydow Cabdi iyo Shamso Cali Isaaq ku xukuntay min shan sano oo xabsi ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen raggaan la xukumay.

Sidoo kale Xukunka shakhsiyadkan ayaa kusoo beegmay iyadoo magaalada Boosaaso ay muddooyinkii ugu dambeeyay kusoo badanayeen qaraxyada ay kooxda Alshabaab halkaas ka geysanayso, iyadoo laamaha amniga lagu eedeeyay inay ku fashilmeen wax ka qabashada amni darrada magaalada Boosaaso ka jirta.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply