December 4, 2024

 

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in Maxkamadda degamada Dhuusomareeb ay xukun dil ah ku riday labo nin oo lagu helay inay hore u dileen macalin iyo dhaqtar lagu dilay deegaanka Ilix.

Saddex ka mida ragii maxkamadda la horkeenay ayaa dil lagu riday halka midkii afaraad la sii daayey sida ay maxkamadddu amartay. Laakiin racfaan ayaa laga qaatay sida ay warbaahinta dowladu sheegtay

Sidoo kale Lamaaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa hore gacanta ugu dhigay afartan qof oo ku eedaysan in ay dileen labo wiil oo walaalo ah oo kala ahaa dhaqtar iyo macallin dugsi kuwaas oo lagu dilay iyaga oo jiifa gurigooda deegaanka Ilix oo qiyaastii 40 km bari kaga beegan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply